Home » Koox
You are browsing entries filed in “Koox”
Arbaco, May 16, 2012 (HL) – Naadiga kubada cagta Liverpool ayaa maantay eriday tababarahii kooxda, King Kenny Dalglish, kadib markii uu ku guul darreystay inuu usoo saaro kooxda ka qaybgalka tartanka Champions League-ga ee sanadka dambe. Dalglish oo ah shaqsi aad looga xushmeeyo magaaladan Liverpool ayaa kooxda qabtay sanad iyo bar ka hor kadib markii [...]
May 16 2012 | Posted in Cayaaro, Koox, Wararka | Read More »
Axad, May 13, 2012 (HL) – Kooxda kubada cagta Manchester City ayaa markii ugu horeysay mudo hada laga joogo 44 sanadood qaaday horyaalka wadanka Ingiriiska kadib cayaar qayrul caadi ah oo ka dhacday garoonka magaalada Manchester ee hoyga u ah kooxdooda. Horyaalka sanadkan oo ahaa mid aad uga duwan horyaaladii hore ayaa ugu dambeyntii lagu [...]
May 13 2012 | Posted in Cayaaro, Koox, Maqaallo, Wararka | Read More »
Talaado, May 8, 2012 (HL) – Liverpool ayaa maantay soo afjartay rajadii ay Chelsea ka qabtay inay gasho kaalinta 4-aad kadib markii ay maanta ku dubatay gegida Anfield. Liverpool oo ay ka go’nayd inaanan mar kale mudo 3 cisho gudahooda laga badin ayaa ku soo gashay garoonka [...]
May 8 2012 | Posted in Cayaaro, Koox, Wararka | Read More »
Sabti, May 5, 2012 (HL) – Chelsea ayaa la hoyatay koobka FA Cup-ka maantay kadib markii ay 2 : 1 kaga adkaadeen kooxda Liverpool. Cayaartan oo ahed mid aad u adag ayaa qaybtii hore waxaa ku gacan sarreeyay Chelsea inkasta oo ay labada kooxood isu yara [...]
May 5 2012 | Posted in Cayaaro, Koox, Wararka | Read More »
Isniin, April 30, 2012 (HL) – Manchester City ayaa hogaanka premier league-ga ku qabatay goolal tirsi kadib markii ay dhagaha u laabeen Manchester Utd oo 3 dhibcood ka horeysay cayaartan ka hor. Cayaartan oo aheyd mid aad u adag ayaa waxaa aad loogala socday dunida dacaladeeda [...]
April 30 2012 | Posted in Cayaaro, Koox, Wararka | Read More »
Talaado, April 24, 2012 (HL) – Chelsea ayaa maantay quusisay kooxda ugu kubada macaan dunida maantay ee Barcelona. Cayaartan oo aheyd lugtii labaad ee semi-final-ka ayaa waxa ay Chelsea soo bandhigtay isbiirito iyo isku kalsooni aan inta badan sanadkan looga baran iyaga oo is hortaagay wax walba ey xidigaha Barce isku dayeen. Chelsea oo lugtii [...]
April 24 2012 | Posted in Cayaaro, Koox, Wararka | Read More »
Axad, April 15, 2012 (HL) – Kooxda Chelsea ayaa u soo baxday cayaarta kama dambeysta ee FA Cup-ka kadib markii ay maantay dhegaha u laabtay kooxda la deriska ee Tottenham. Chelsea ayaa muujisay awood zaa’id ah iyaga oo gebagebadii ku adkaaday 5 : 1. Goolasha Chelsea [...]
April 15 2012 | Posted in Cayaaro, Koox, Wararka | Read More »
Sabti, April 14, 2012 (HL) – Liverpool ayaa maantay usoo gudubtay cayaarta kama dambeysta ah ee FA Cup-ka kadib cayaar adag oo ay Wembley kula yeelatay kooxda la deriska ah ee Everton. Cayaartan oo xiisa gaara ah u lahayd labada kooxood ayaa ahayd mid qaybtii hore ee cayaarta ku gacan [...]
April 14 2012 | Posted in Cayaaro, Koox, Wararka | Read More »
Axad, Feb 26, 2012 (HL) – Liverpool ayaa qaaday koobka Carling Cup-ka sannadkan kadib rigoorayaasha kala baxa. Cayaarta kama dambeysta ah ayaa aheyd mid aad u xiiso badan iyada oo lagu kala bixi waayey 90-ka daqiiqo ee caadiga ah. Liverpool oo inta badan maamuleysay kubada ayaa awoodi weysay inay quusiyaan [...]
February 26 2012 | Posted in Cayaaro, Koox, Wararka | Read More »
Khamiis, February 23, 2012 (HL) – Hotel ku yaalla dalkaasi Indonesia ayaa lagu samiyay cabtanka Liverpool, Stevie Gerrad. Hotelkan oo albaabada loo furay sanadii hore ayaa waxaa qayb ahaan iska leh maalqabeenno aad u taageera kooxda Liverpool. Maalqabeennadan aadka u taageera Liverpool ayaa go’aansaday inay magaca hotelkan ku [...]
February 23 2012 | Posted in Cayaaro, Koox, Wararka | Read More »
Sabti, February 11, 2012 (HL) - Manchester United ayaa hogaanka qabatay kadib markii ay 2 : 1 kaga adkaadeen Liverpool cayaar maantay ka dhacday hoyga Utd. Cayaartan oo xiiso gooni ah lahayd kadib cadaawad ka dhex aloosantahay xidigaha, Evra and Suarez. Cadaawadaas oo salka ku haysay ganaax 8 cayaarood ah [...]
February 11 2012 | Posted in Cayaaro, Koox, Wararka | Read More »
Arbaco, January 25, 2011 (HL) – Cayaar aad u xiiso badan oo ka dhacday hoyga Liverpool, Anfield, ayaa waxa ay ku dhexmartay kooxaha City iyo the Reds. Cayaartan oo aheyd lugtii labaad ee semifinal-ka Curling Cup-ka ayaa waxaa si weyn ugu gacan sareeyay kooxda martida loo ahaa ee [...]
January 25 2012 | Posted in Cayaaro, Koox, Wararka | Read More »
Axad, January 22, 2011 (HL) – Manchester City ayaa waxa ay maantay 3 : 2 kaga adkaatay Tottenham Hotspur oo sanadkan kamida kooxaha ugu cadcad xilli cayaareedkan. Cayaartan oo aheyd mid aad u xiisa badan ayaa waxaa mudo 8 daqiiqadood ah lagu dhaliyay 4 gool iyada oo ay [...]
January 22 2012 | Posted in Cayaaro, Koox, Wararka | Read More »
Arbaco, November 30, 2011 (HL) – Kooxda heerka labaad ee dalkaasi Ingiriiska, Crystal Palace, ayaa maantay ka jeega dharbaaxday Man Utd koobka loo yaqaan the Carling Cup. Man Utd oo ay matalayeen cayaartoy u badan kayd ayaa barbarro ku celiyay Crystal Palace waqtigii loogu talagalay [...]
December 1 2011 | Posted in Cayaaro, Koox, Wararka | Read More »
Talaado, November 29, 2011 – Liverpool ayaa todobaadkii labaad oo xiriira Chelsea ku karbaashtay gurigeeda, Stamford Bridge. Cayaartan oo ahayd wareega 8-da kooxood ee koobka Carling Cup-ka ayaa waxaa inta badan maamulayay kooxda Liverpool inkasta oo ay 7 cayaartoy oo kayd ah ka qayb qaadanayeen. [...]
November 29 2011 | Posted in Cayaaro, Koox, Wararka | Read More »
Talaado, November 22, 2011 (HL) – Labada Manchester ayaa ka mida ahaa kooxihii caawa ka qayb qaadanayay tartamada kooxaha Europe iyada oo ay labaduba kala soo hoydeen safaradooda natiijooyin ay midkoodna ku qanacsaneen. Utd ayaa soo ceshatay bareejo kadib markii ay 2 : 2 lasoo [...]
November 22 2011 | Posted in Cayaaro, Koox, Wararka | Read More »
Axad, November 20, 2011 (HL) – Maantay ayaa waxaa cayaar aad u kulul Stamford Bridge ku dhexmartay kooxaha Chelsea iyo Liverpool iyada oo ay shalay guulo wada gaareen Utd, City iyo Gunners. Chelsea iyo Liverpool midkoodna ma dooneyn in laga tago oo waxaa ka go’nayd inay [...]
November 21 2011 | Posted in Cayaaro, Koox, Wararka | Read More »
Sabti, October 29, 2011 (HL) – Cayaarta ugu xiisaha badnayd ee maantay ka dhacday dalkan Ingiriiska ayaa waxa ay dhex martay kooxaha Chelsea oo la marti loo ahaa iyo Arsenal iyada oo rag badan oo cayaaraha ka faalloodo ay saadaalinayeen guul culus oo ay gaarto kooxda Chelsea. Arsenal [...]
October 29 2011 | Posted in Cayaaro, Koox, Wararka | Read More »
Axad, September 18, 2011 (HL) – Manchester Utd ayaa noqotay kooxda kaliya ee kooxaha ugu cadcad England oo todobaadan 3 dhibic oo nadiif ah kala soo hoyatay cayaarihii horyaalka ee la cayaaray shalay iyo maanta. Utd ayaa waxa ay 3 : 1 kaga soo adkaadeen kooxda Chelsea oo [...]
September 18 2011 | Posted in Cayaaro, Koox, Wararka | Read More »
Sabti, Sep 10, 2011 (HL) – Chelsea ayaa waxa ay si ku meel gaar ah isaga xaadirisay kaalinta labaad ee horyaalka Ingiriiska kadib markii ay 2 : 1 kaga soo adkaadeen Sunderland. Hadal haynta ugu badan ee dadweynaha Chelsea ayaa waxa ay ku saabsaneyd sharraxaadii uu Torres ka [...]
September 10 2011 | Posted in Cayaaro, Koox, Wararka | Read More »
Axad, August 28, 2011 (HL) – Manchester City ayaa maanta soo bandhigtay cayaar aad u wanaagsan iyaga oo u muujiyay Tottenham in aysan isku league eheen. City ayaa ku badisay 5 : 1 waxaana 4 kamida ah goolashaas dhaliyay Dzeko halka goolka kalena uu dhaliyay Ageuro. Manchester [...]
August 28 2011 | Posted in Cayaaro, Koox, Wararka | Read More »
London (HL) Cayaarihii Maanta la ciyaaray Waxaa ugu weynaa Cayaarihii dhexmaray Chelsea Vs. Norwich C. iyo Sidoo kale Liverpool Vs. Bolton W. Cayaartii dhexmartay Chelsea iyo Norwich ayaa waxaa goolkiisa koowaad u dhaliyey Chelsea cayaar-yahankooda Cusub Juan Mata oo u saftay Kooxda game-kiisii koowaad isagoo dhaliyey goolka sedexaad ee Chelsea daqiiqadihii dheeriga ahaa ee Cayaarta (daqiiqadii 101-aad). [...]
August 27 2011 | Posted in Cayaaro, Koox, Somaliya, Wararka | Read More »
Isku aadka Kooxaha ka qeybgalaya Wareega 1aad ee Horyaalka yurub ee loo yaaqo Eufa Champions League ayaa lagu dhawaaqay daqiiqado ka hor waxeyna Kooxuhu iskugu aadeen sidan hoos ku qoran: Group A: Bayern Munich, Villarreal, MAN CITY, Napoli Group B: Inter Milan, CSKA Moscow, Lille, Trabzonspor Group C: MAN UTD, [...]
August 25 2011 | Posted in Cayaaro, Koox, Somaliya, Wararka | Read More »
Arbaco, August 24, 2011 (HL) – Kooxda kubada cagta Arsenal ayaa caawa usoo gudubtay wareega hore ee tartamada Yurub kadib markii ay Udinese kaga adkaadeen 2 : 1 (isu geynta labada lugoodna 3 : 1). Arsenal oo beryahanba ay saxaafada Ingiriiska aad u hadal hayeen taag daridooda kadib [...]
August 24 2011 | Posted in Cayaaro, Koox, Wararka | Read More »
Isniin, August 22, 2011 (HL) – Kooxda Manchester Utd ayaa si xun dhulka ugu jiiday naadiga Tottenham Hotspor galabta cayaar ku dhex martay gegida caanka ah ee Old Trafford. Inkasta oo cayaarta lagu kala nastay 0 : 0 qaybtii hore, hadana Utd ayaa soo bandhigtay cayaar aad u [...]
August 22 2011 | Posted in Cayaaro, Koox, Wararka | Read More »
Sabti, August 20, 2011 (HL) – Luiz Suarez oo bedel ku yimid 20-kii daqiiqo ee ugu dambeeyey cayaarta ayaa dhaliyay goolkiisii labaad sanadkaan iyada oo ay Liverpool ku badiyeen garoonka Arsenal markii ugu horeysey mudo laga joogo 10 sanadood. Waxaa xusid mudan in Arsenal ay cayaaryahano badan kaga maqnaayee dhaawac iyo ganaax iyaga oo [...]
August 20 2011 | Posted in Cayaaro, Koox, Wararka | Read More »
Isniin, August 15, 2011 (HL) – Sergio Ageuro oo ay Manchester City goor dhoweyd kala soo baxday lacag lagu qiyaasay 38 million oo giniga istarliinka ah ayaa wacdaro ka dhigay cayaartiisii ugu horeysay ee uu safto kooxdiisa cusub. Ageuro oo badal lagu keenay qaybtii dambe ee [...]
August 15 2011 | Posted in Cayaaro, Koox, Wararka | Read More »
Axad, August 14, 2011 (HL) – Tababaraha cusub ee Chelsea ayaa waxaa la dareensiiyay adeyga premier league-ga kadib barbarro uu la galay Stoke. Qaybtii hore ee cayaarta ayaa si weyn loogu dhaqaaqay goolka Chelsea laakin gelinkii dambe ayaa waxaa sare u kacay hab cayaareedka Chelsea. Inkasta oo ay Chelsea weeraro aan kala go’ laheyn ku [...]
August 14 2011 | Posted in Cayaaro, Koox, Wararka | Read More »
Sabti, August 13, 2011 (HL) – Arsenal oo bareejo kala timid garoonka Newcastle iyo difoosayaashooda oo orin kaga saaray garoonka. Sidoo kale waxaa gaduud lagu soo dhaweeyay weeraryahanka cusub ee Arsenal, Gervinho, kadib markii uu dharbaaxay Joey Barton. Dharbaaxadan ayaa timid kadib markii uu Barton ku eedeeyay [...]
August 13 2011 | Posted in Cayaaro, Koox, Wararka | Read More »
Sabti, August 13, 2011 Liverpool (HL) – Horyaalka Ingiriiska ee loo yaqaan the premier League ayaa maantay la baastay iyada oo Liverpool lagu celiyay gurigooda. Waxaa Liverpool maanta ay soo safeen 4 kamida 5 cayaartoy oo ay soo iibsadeen sanadkan laakin iyaga oo soo bandhigay cayaar aad u macaan qaybtii hore ee ciyaarta iyo [...]
August 13 2011 | Posted in Cayaaro, Koox, Wararka | Read More »
Barcelona (HL) Laacibka Arsenal ee reer Spain Fabregas ayaa la filayaa inuu dhameystiro u wareegidiisa uu u wareegi doono kooxda weyn ee Barcelona ee dalkaasi Spain mudada 24-saac ee inagu soo aadan. Fabregas ayey kula wareegeysaa Barcelona lacag gaaraysa £36million, wuxuuna u saxiixi doonaa mudo 5-sano ah kadib markii ay wadahadal dheer yeesheen maanta oo [...]
August 12 2011 | Posted in Cayaaro, Koox, Somaliya, Wararka | Read More »
Axad, August 07, 2011 London (HL) – Manchester Utd oo aad moodo in ay wax uga kordheen duruustii Barcelona ku siin jirtay Champions League-ga ayaa waxay cashar kubada cagta ah maantay Wembley ugu dhigeen Millionnaires-ka dariska la ah, Man City. Ciyaartan loo yaqaano Community Shield ayaa waxa ay daah fur u tahay xilli cayaareedkan cusub [...]
August 7 2011 | Posted in Cayaaro, Koox, Wararka | Read More »
London (HL) Manchester United ayaa lagu qiimeeyey £1.165 Billion taasoo ay kaga saramareen xataa Kooxihii waa weynaa ee Mareykanka sida Dallas Cowboys iyo Ney-York Yankees. Qiimeyntaan loo sameeyey Kooxaha Isboortiga Aduunka ayaa lagu saleeyey: Qiimaha Kooxda, Garoonka ay ku ciyaarto, Daqligooda iyo weliba Lacagaha ay ka helaan Xeyeysiinta ay u sameeyaan Shirkadaha Ganacsiga ah. Hadaba [...]
July 14 2011 | Posted in Cayaaro, Koox, Somaliya, Wararka | Read More »
Isku aadka horyaalka Ingiriiska ee xilli cayaareedka cusub ayaa soo baxay iyada oo ay ciyaaro xiiso leh ku jiraan isbuucyada 2-aad iyo 3-aad. Kooxaha Manchester Utd iyo Liverpool ayaa waxa ay ku kala bilaaban doonaan Westbrom iyo Sunderlanda sida ay u kala horeeyaan halka Arsenal ay kaga bilaabanayso Newcastle Utd. Isbuuca labaad ee horyaalka [...]
June 17 2011 | Posted in Cayaaro, Koox, Wararka | Read More »
Wembley, London (HL) Kooxaha Barcelona & Manchester United ayaa isaga horyimid cayaarta finalka ee koobka kooxaha yurub ee loo yaqaano Champions Leaug-ga. Cayaartan ayaa si weyn looga sugayay dunida oo dhan, waxaana lagu qiyaasay in ay daawadeen cayaartan dad ka badan 350 million oo qof. Manchester ayaa cayaarta 10kii daqiiqo ee ugu horeysay ku soo [...]
May 28 2011 | Posted in Cayaaro, Koox, Wararka | Read More »